Kooxaha horyaalka Spain ee LaLiga ugu tunka qeyn ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan magaca ‘El Clasico’ ee caanka ay ku yihiin ciyaaraha dhexmara labadan kooxood, isla markaana adduunyadu ay sida aadka ah u tixgeliso.
Wargeyska Relevo ee kasoo baxa Spain, ayaa daabacay in xayeysiinnasii ay bixin jireen Spanish Patent iyo Traemark ee horay loogu xiray ‘El Clasico’ hadda lasoo dhigay suuqa, isla markaana ay u furan yihiin kooxaha kale ee daneynaya. Waxa uuna go’aankan ayaa yimid kaddib markii Real Madrid ay dalbatay in sumadda ‘El Clasico’ uu xafiiska dhawrista xuquuqda ee Spain doonayo inuu u diido iyaga iyo Barcelona.
Sidoo kale, Wargeyska Forbes ee wax ka qora dhaqaalaha ayaa xusay in xafiisyada Spanish Patent iyo Trademark ay rumaysan yihiin in magaca ‘El Clasico’ ay mar horeba adduunyadu baratay oo uu hirgalay, isla markaana aan loo bahnayn in uu sii ahaado mid u diiwaangashan kaliya kulamada ay wada ciyaarayaan labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona.
Tallaabadan ayaa dhibaato weyn ku noqon doonta kooxaha Barca iyo Real Madrid, waxa ayna ku qasban yihiin in ay si degdeg ah suuqyada uga saaraan alaabaha ay ku taallo calaamadda ‘El Clasico’, sida dharka labada kooxood, kabaha ciyaartoyda iyo qalabka kale ee ciyaaraha.
Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa go’aankan ka qaadan doona rafcaan, iyadoo la filayaa in ciyarta saaxiibtinimo ee 29-ka July ku dhexmaraysa Maraykanka ay isticmaali doonaan magacan ay ku caan-baxday ciyaartooda ee El Clasico. Balse haddii ay ku guul-darreystaan rafcaanka iyo dacwadda, waxay ciyaartoodii ugu dambaysay ee la maqlo magaca ‘El Clasico’ uu noqon doonaa semi-finalkii Copa del Rey ee bishii Abriil ay Real Madrid 4-1 kaga badisay kooxda faca weyn ee Barcelona.
Dhinaca kale, Horyaalka Spain ee LaLiga ayaan xilli-ciyaareedka soo socda lagu isticmaali doonin aaladda goolka sheegta ee ‘Goal Line Technology’, sababtoo ah waxa uu LaLiga diiday inuu bixiyo lacag dhan saddex milyan oo Euro oo sannadkii ay ka doonayso shirkadda samaysa qalabkan.
Ugu dambeyn, LaLiga ayaa waxa uu xilli-ciyaareedka dambe noqonayaa horyaalka keliya ee Yurub ee aan lagu isticmaalin ‘Goal Line Technology’, taas oo ceeb weyn ku noqon doonta horyaalka LaLiga oo mar ahaa hiryaalka ugu wanaagsan dunida.













