Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) oo maalmihii la soo dhaafay goluhu doodo adag ka yeelanayay.
Xildhibaannada codeeyay oo tiradoodu ay ahayd 148 mudane ayaa 144 ka mid ahi waxa ay ku codeeyeen HAA, seddez ayaa ka aamusay, hal xildhibaanna wuu diiday.
Guddoomka Baalamaanka ayaa codeynta kaddib ku dhawaaqay in sharcigan uu ansax yahay, wixii maanta ka dambeeyana uu sharci yahay, balse la hirgelin doono marka uu saxiiso Madaxweynaha dalka.
Ugu dambeyn, sharcigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay yeelato hay’adda NISA, waxaana uu xadidi doonaa awoodihii hay’adda oo markii hore ahaa kuwo aan xaddidnayn.













