Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb-galay Munaasabad lagu soo bandhigay Natiijada Imtixaankii Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare

0
339

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb-galay munaasabad lagu soo bandhigay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad Dugsiyada sare ee sannad dugsiyeedka 2022/23, ayaa abaalmarinno guddoon siiyey qaar kamid ah ardeydii gashay kaalimaha hore.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan ardeyda imtixaanka gudubtay, gaar ahaan kuwooda ku jira 10ka kaalin ee muujiyey dadaalka dheeriga ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin, haddii uusan kor u qaadin aqoonta dadkiisa, si taas loo xaqiijiyana ay Xukuumadda DanQaran howlgelisay saddex kun oo macallimiin ah oo bilow u ah Qorshaha Qaran ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashadii dalka.

Mudane Xamsa Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo cid walba oo door ka qaatay qabsoomidda imtixaankan oo sannadkii sagaalaad oo xiriir ah ay qaadeyso dowladdu.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mar kale ku celiyey baaqiisii la xiriiray in la banneeyo xarumaha danta guud ee ay deggan yihiin shacabka, gaar ahaan kuwa ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada, si wax loogu baro ubadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here