GUDDOOMIYE YABOOH: Dhakhtar aan aqoon ku filan lahayn kama hawl-geli doono Isbitaallada Caasimadda: VIDEO

0
394

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ay la dagaallamayaan dhakhaatiirta aan xirfadda lahayd ee ka hawlgala Isbitaallada Caasimadda ku yaalla iyo dadka iibiya daawooyinka, gaar ahaan kuwa Farmashiyeyaasha gada.

Mudane Yabooh ayaa hadalkan ka jeediyay kulan looga hadlayay caafimaadka oo lagu qabtay Muqdisho, waxa uuna sheegay inay koontarooli doonaan dhakhaatiirka ka hawlgala isbitaallada Muqdisho iyo weliba dadka farmashiyeyaasha ka hawlgala ee aan aqoonta badan u lahayn dawooyinka.

“Dalkeenna maanta waxaa baabi’iyay dad aan dhakaatiir ahayn, waxaa baabi’iyay dad aan aqoon u lahayn shaqada caafimaad ee ay bulshada u hayaan, waxaa baabi’iyay daawo aan sax ahayn oo sidii la rabo inta dalka loo soo geliyo dadka lagu sumeynayo oo lagu baabi’inayo,” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh.

Ugu dambeyn, Mudane Yabooh ayaa xusay in maamulka Gobolka Banaadir uu wado qorshe lagu lagu baarayo sbitaallada iyo farmasgiyeyaasha ku yaalla caasimadda si loo hubiyo dadka ka shaqeeya kuwo aqoon durugsan u leh shaqooyinka ay shacabka u hayaan, si looga badbaadiyo ummadda haddii aysan aqoon durugsan u lahayn shaqooyinka ay qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here