MUUQAAL: Boqollaal Neef oo Lo’ ah oo mar kale laga soo ururiyay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

0
419

Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay socdaan hawlgalka magaalada looga ururinayo lo’da dhibaatada ku haysa nadaafadda iyo bilic soo celinta caasimadda dalka ee Muqdisho.

Maxamuud Suudi oo ah agaasimaha waaxda nadaafadda iyo bilic soo celinta Xamar ayaa sheegay in hawlgalladu ay galeen maalintii saddexaad ayna socon doonaan.

“Maanta oo Khamiis ah, waxaan degmooyinka Waaber, Dharkeynley, Wadajir, Kaaraan, Warta Nabadda iyo Shibbis laga soo qabtay 200 oo neef oo lo’ ah” ayuu yiri agaasimaha oo sheegay in hawshu ay socon doonto inta la xaqiijiynayo hadafka loo billaabay hawshan.

Sidoo kale, Agaasimaha Nadaafadda iyo bilic soo celinta Muqdisho ayaa sheegay in dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay socdeen dacaayado ay dad ku ahwwgayan in xoolahooda laga soo bixiyay moorada, kuwana ay sheegayaan in iyagoo suuqa u wata lagala wareegay, isagoo xusay in waxaas oo dhan ay tahay been la dhoodhoobay.

“Dadka dacaayadaha noocaas ah la jooga baraha bulshada waxaan leeyahay dalkaaga iyo dadkaaga u tur, ogolowna in magaaladaadu ay la tartanto kuwa dariska iyo caalamka” ayuu yiri agaasime Suudi. Ugu dambeyn, waxa uu sheegay in aan loo dulqaasan doonin in xoolo lagu soo daayo magaalada, kuwaasoo dadka iyo nadaafadda magaalada dhibaato ku ah, dadka xoolaha iska leh ayuu ku boorriyay inay xareystaan xoolahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here