SAWIRRO: Agaasimaha Caafimaadka G/Banaadir oo goobjoog ka ahaa baaritaano caafimaad oo loo sameeyay Gabdhaha ku jira Xarunta Agoonta ee Degmada Boondheere

0
273

Agaasimaha caafimaadka gobolka Banaadir, mudane Dr. C/raxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta gabdhaha agoonta ah ee degmada Boondhere, halkaasoo wax lagu baro ayna ku nool boqollaal gabdhood.

Agaasimaha ayaa u kuur-galay xaaladaha caafimaad iyo mid waxbarasho ee ardayda.
Sidoo kale, shaqaalaha waaxda caafimaadka ee gobolka Banaadir ayaa adeeg caafimaad ah u sameeyay in ka badan 60 gabdhood oo xaruntaas ku jira.

Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa ballan-qaaday in la joogteeyn doono sii wadista adeega caafimaad ee shaqaalaha waaxda caafimaadka GB ay ka fuliyaan xarunta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here