Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mundane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay saameynta ay daadadka iyo fatahaadaha ku yeesheen shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan ayaa khusbaddiisa oo soconaysay toddoba daqiiqo ku sheegay in fatahaadaha El Nino ay si toos ah u saameeyeen dad lagu qiyaasay 2.5 Milyan, illaa haddana ay daadadka ku dhinteen in ka badan 100-qof, sidoo kalena ay ku barakaceen mar labaad dad ka badan hal milyan oo qof.
Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay dalka lagu waayay 4,000 oo neef oo xoolo ah oo isugu jiray; geel lo’ iyo ari, ayna ku burbureen 140,000 oo guri oo ay dadka barakacay degenaayeen. Waxa kale oo uu sheegay in ay ku burbureen daadadkan buundooyin ay ka mid ahaayeen middii Baardheere iyo middii Buur-dhuubo.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha dalku waxa uu sheegay in dowladda oo ka jawaabaysa musiibadaas baaxada leh ay magacowday guddi isugu jira; wasiirro, bulshada rayidka, culummaa’uddiin iyo ganacsato, kuwaasoo kulammo joogto ah yeelanaya, si talooyin ay uga bixiyaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkaas ay dhibaatadu ku dhacday.













