Madaxweynaha Somalia oo furay Kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: SAWIRRO + VIDEO

0
429

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u daah-furay kalfadhiga 3-aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyay shaqada baarlamaanka ka qabteen kal-fadhigii labaad kaas oo ay ku ansixiyeen 11 sharci.

Furitaanka kal-fadhiga saddexaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, waxaa ka qayb-galay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirrada, kuwaas oo ay ku jiraan wasiirrada aan xildhibaannada ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa golaha ka codsaday inay sameeyaan guddiyada ku shaqada leh dib-u-eegista sharciga ee baarlamaaniga ah, isagoo ku nuux-nuux-saday muhiimadda ay leedahay in la helo sharci dhammeystiran oo aan qabyo ahayn laguna qoray, laguna diyaarayay dalka oo ay ka shaqeeyeen khuburo Soomaali ah, kana tarjumaya baahida ummadda.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya yaa bogaadiyay ciidamada Qaranka oo dagaalka kula jira khawaarijta Al-shabaab, waxa uuna wacad ku maray inuu ciribtirayo Khawaarijta, waxa uuna yiri: “Waxaa iga goโ€™an oo ballan ah in aan ciribtirno khawaarijta Al-shabaab iyo kuwa la hal-maala.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale yiri: โ€œKaalinta culummada Soomaaliyeed ee iftooday in Al-shabaab ay khawaarij yihiin la dagaallankooda waajib yahay dhan mallatari iyo dhan fikirba. Waxa aan raadinnay dadaal aan u galnay cid walba oo naga saacidi karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta arxanka-daran iyo inaan ka ciribtirno guud ahaandalka.”

Ugu dambeyn, furitaanka kal-fadiga 3-aad ee baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo shirkii madasha wadstashiga Qaran ee Muqdisho lagu qabtay laga soo saaray qodobbo u baahan inay baarlamaanka maraan si loo sharciyeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here