VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in Amniga ka jira Muqdisho uu caddeynayaa halka uu dalku u socdo: SAWIRRO

0
300

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay xalay xaflad casho sharaf ah oo lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxa uu ku sheegay in Amniga Muqdisho ka jira uu uga mahadcelinayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Duqa Caasimadda, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

“Horumarka, nadaafadda iyo amniga ka jira caasimadda dalka ee Muqdisho waa mid muuqda oo la taaban karo, waxa aana uga mahadcelinayaa madaxweynaha iyo Duqa Magaalada,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay in xilli dambe in lagu gaaro Xarunta Gobolka Banaadir, lagana soo galo waddadii la doono ay tahay mid lagu farxo ayna xaqiijinayso shaqooyinka laga qabtay amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka hadlay qodobbadii kasoo baxay shirkii 6-aad ee madasha wadatashiga Qaran ayaa sheegay inay xoogga saareen waxyaabaha sharciyada ah ee horyaalla, qodobbadana ay ka mid ahaayeen in dagaalka Khawaarijta lagu bixiyo, xoog, maal iyo fikir si dhibkooda looga dulqaado ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here