DAAWO: Duqa Muqdisho oo ka qayb-galay Dibad-bax lagu Taageerayay dib u doorashada Erdogan: SAWIRRO

0
428

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa, Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa galabta ka qayb-galay dibadbax ay dadweynaha Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin in mar labaad Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Türkiye loo doortay Mudane Recep Tayyip Erdogan, kaddib doorashadii ka dhacday dalka Turkiga.

Dibadbaxan oo ka dhacay taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee maamulka Gobolka, xildhibaanno ka tirsan DFS, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo marti-sharaf kale.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeediyay qudbad la xariirta doorka uu madaxweyne Erdogan ku leeyahay dib u soo kabashada dalka iyo xoojinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here