Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Xamar Jajab Mudane Ismaaciil Maxamed Xuseen ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Degmada Mudane Mucaawiye Muudeey kadib Munaasabad Galabta ka dhacday Xarunta Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Odiyaal dhaqan iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) iyo Agaasimaha Waaxda Xiriirka Degmooyinka Gobolka Banaadir Mudane Mukhtaar Axmed (Dhaga-Cadde) oo Munaasabada ka hadlay ayaa waxa ay Guddoomiyihii hore ee Degmada ku amaaneen shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xilka haayay iyadoona sidoo kale Guddoomiyaha Cusub kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo horumarinta Degmada Xamar Jajab.














