War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaa lagu yiri sidan: Annagoo ilaalineyno xasilloonida waxbarashada ardayga lana tixgalinaayo daruufaha ardayga u wax ku barto, waxa uu agaasinka waxbarashada maamulka gobolka Banaadir idin la wadaagayaa in beddalka ardayga sannad dugsiyeedka 2023-2024 la furi doono labada xilli (Terms) waxa ayna nogon doontaa sidan soo socoto:
1. Xilliga koowaad (Term 1) wuxuu furnaan doonaa 30 Sebtembar illaa 30 Nofembar 2023, dhamaan fasallada.
2. Xilliga labaad (Term 2) waxa uu furnaan doonaa 1-28 Febraayo 2024, dhammaan fasallada, marka laga reebo fasalka 8-aad iyo 12-aad ee dugsiga sare.
Hadaba inagoo xaddideyna qulqulka beddelka ardayda ee xad-dhaafka ah, waxaan ka rajeyneynaa dhammaan dugsiyada in ay u adeegaan ardayda Soomaaliyeed, iyagoo ilaalinaya habraaca beddelka ee agaasinka, sidoo kalena aysan u diidin arday buuxiyay shuruudaha beddelka agaasinka, xuquuqdiisii badal.














