Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimada ee millateri-booliiska.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Caraale Afrax, waxaana warbixinno looga dhageystay saraakiisha amniga, iyaga oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimadda iyo guulaha laga gaaray hawl-gallada laga fuliyay degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay ciidanka xasilinta Xamar ee millateri-booliiska, sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah amniga, isaga oo ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay ku jiraan hawlaha sugidda amniga Caasimadda.















