Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda: MUUQAAL

0
485

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay madaxda urur-goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan fara-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qaybgeli doonaan gabi ahaan madaxda dalalka ku mideysan IGAD marka laga reebo Itoobiya oo cudur-daar aan la aqbali karin sheegtay ayaa kusoo beegmaya iyadoo golaha amniga iyo nabad-galyada ururka Midowga Afrika uu muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xilli ay Itoobiya weli isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xad-gudubka Qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xad-gudbikarin madax-bannaanida iyo midnimada dalalka. Wuxuuna Goluhu soo dhaweeyay shirka madaxda IGAD kaas oo isla arinka xadubka Itoobiya looga hadlayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga wehelinaya ayaa shirka IGAD kaddib waxa ay ka qayb-gali doona shirka isbaheysiga dalalka dhex-dhexaadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here