Waaxda Dab-damiska Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku guuleysatay inay damiyaan dab qabsaday gaari ka mid ah kuwa ciidanka ATMIS ee ku sugan Muqdisho, dabkaas oo ka dhashay qarax ka dhacay gudaha gaariga xilli uu marayay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Gaariga gubtay oo ka mid ahaa kolonyo gaadiid ah oo ka tirsan ciidanka ATMIS ayaa la sheegay in qaraxa uu ka dhashay qalab uu waday, waxaase rasaas laga argagaxay oo ay fureen qaraxa kaddib la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay hal qof.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg-degga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar Cabdiqani Maxamed Axmed ayaa sheegay inay goobta gaareen ayna ku guuleysteen inay dabka baqtiiyaan.














