Tartan Kubadda Cagta ah oo laga furay Garoonka Minishiibiyo ee Degmada Warta Nabada: SAWIRRO

0
302

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka kubadda cagta Municipio ee degmada Warta Nabadda ka daah-furay tartanka is-dhexgalka dhallinyarada iyo la-dagaalanka maandooriyaha oo ay ka qayb-galayaan 16 kooxood oo ka tirsan Warta Nabadda Academy.

Munaasabadda furitaanka tartankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Somalia, Mudane Cali Cabdi Shiino, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Maxamud Warsame Xaabsey, agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullaahi Aadan, qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale oo ka tirsan bahda Isboortiga.

Ugu dambeyn, tartankan ayaa loogu talo-galay in ay is-dhexgal ku sameeyaan da’yarta degmada Warta Nabadda, isla markaana laga wacyigeliyo waxyaabaha maanka dooriya, si loo helo jiil maskax fiyow oo wax kusoo kordhiya bulshada iyo isboortiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here