Guddoomiye Madaale oo Xarigga ka jaray Buundo laga Hir-geliyay Buulo-xuubey ee Deg. Wadajir: SAWIRRO + MUUQAAL

0
296

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray buundo cusub oo laga hirgeliyay waddada Buulo-xuubey ee Degmada Wadajir, taasoo loogu talo-galay inay maraan ardayda iyo dadka waayeelka ah oo saxmadda jidadka awgeed aan goyn karin.

Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale oo xarig-jarka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xilligii hore ee guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ahaa uu dhisay jidka Dan-wadaagaha, maanta ay hirgeliyeen buundadii ugu horreysay oo ardayda iyo dadka jilicsan ay maraan, iyagoo dhanka kale uga daga iyagoo badqaba.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in degmada Wadajir ay nasiib u leedahay in hawlaha uu qabanayo Madaale iyada lagu billaabo. Isagoo uga mahad-celiyay mas’uuliyiintii kaalinta ku lahaa dhismaha buundadan.

Ugu dambeyn, Buunadadan uu maanta xarigga ka jaray Duqa Muqdisho ayuu sheegay in lagu dhisay iskaashi dhex-maray shacabka degmada iyo maamulka Gobolka Banaadir, isagoo sheegay inay dib u soo nooleeyeen barnaajimkii hal Doollar ku dhiso dalkaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here