DUQA MUQDISHO: Waxa aan billaabaynaa wacyi-gelinno muhiim u ah Shacabka Caasimadda

0
790

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhawaan Caasimadda dalka laga billaabi doono wacyi-gelinno ku aaddan saddex arrimood oo ummadda dhib weyn ku haya.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in qodobka koowaad uu yahay kooxaha Khawaarijta ah oo markii dagaallada looga adkaaday ay firxadkoodii billaabeen inay magaalada Muqdisho soo galaan, ayna isha ku hayn doonaan.

“Shacabku markii ay miyi iyo magaalo uga adkaadeen Khawaarijta ayay la leeyahay firxadkoodii Muqdisho ayay soo galeen, waana taas midda 1-aad ee aan xoogga saarayno wax ka qabashadeeda, dadkana aan ka wacyi-gelinayno,” ayuu yiri Mudane Yuusuf oo hadal ka jeediyay kulan afur ahaa oo uu xalay uga qayb-galay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkiisa raaciyay in tallaabada ugu wanaagsan ee Al-shabaab looga qaban karo Caasimadda ay tahay in shacabka oo is-kaashanaya uu qof walba gurigiisa uga soo saaro garan-waaga ku jira.

Qodobka labaad ayuu guddoomiyuhu ku sheegay Ciyaal-weerada oo uu xusay in ay dhibaato weyn ku hayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho, isagoo xusay inay yihiin kooxo abaabulan oo gadaal laga taagan yahay.

“Ciyaalkaan Gaangiska ah ee loogu yeero ciyaal weerada, dhibaato weyn ayay shacabla ku hayaan, waxaana doonaynaa inaan wax ka qabanno inta aan tobannaan sano kaddib ku baraarugi lahayn sida Al-shabaab, waxaana lagama maarmaan ah inaan si wadajir ah uga daba-tagno cidda gadaal ka taagan, taasna waxay ku imaanaysaa in gacmaha aan is-qabsanno oo hal waji aanu ku wajahno,” ayuu hadalkiisa ku daray Duqa Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa qodobka saddexaad ee shacabka laga wacyi-gelinayo ku sheegay Maan-dooriyaha oo noqday wax lagu fasahaadinayo gabdhaheenna iyo wiilasheenna yar-yar, maadaama calaqu uu meel walba iska yaallo.

“Mukhaadaraadku waxa uu noqday mid meel walba yaalla si fududna loogu daroogoobi karo. Waana taas tan aan doonayno inaan wax ka qabanno si aan dhallinteenna u badbaadinno,” ayuu Duqa Muqdisho ku yiri khudbaddiisa.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa sheegay inay dhawaan qabqabteen kooxo dhallinyaro ah oo ka shaqeynayay warshado maan-dooriyaha lagu sameeyo oo ku yaalla dulleedka Muqdisho, kuwaas oo dadka ka shaqeynaya uu ku jiray wiil yar oo 14-jir ah oo Xaafidul-Qur’aan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here