𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗫𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗢𝗼 𝗹𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗗𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗮𝘀𝗿a

0
242

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Basra ee isku xira Muqdisho iyo labada gobol ee Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay Al-shabaab ka saareen 9 deegaan oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaasi oo kala ah: 1. Basra 2. Sabyo 3. Baqdaad 4 . Beled Al-kariim 5. Baldooska 6. Alifoow 7. Muryaley 8. Daniga Balow 9. Buula Xansholey.

“Shan ka tirsan argagixisada Alshabaab ayaa lagu dilay tuulada Baqdaad Intii lagu jiray hawlgalka iska hor imaad dhex maray geesiyaasha qaranka iyo argagixisada, waxaana nooga shahiiday hal askari.
Deegaanada la xoreeyay oo isku xira gobalada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab waxa ay ku lahaayeen maxkamad beenaad dadka ay uga qaadi jireen lacagaha baadda ah iyo xarumo ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo dilalka lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here