Mooto Bajaajyo Sharciga jabiyay oo la Qabtay iyo Waqti dheeraad ah oo la siiyay Bajaajyada si ay isku Diiwaan-geliyaan: SAWIRRO + MUUQAAL

0
194

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay Mooto Bajaaj-yo u hoggaansami waayay awaamiirtii laga soo saaray maareynta mooto bajaaj-yada ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo bandhigay salshugga degmada Kaaraan.

“Mootooyinkaan waxaa soo qabtay ciidanka ammaanka ee caasimadda. Qaar ka mid ah mootooyinkaan waxaa lasoo iyaga oo si sharci-darro ah u midabeystay, kuwo waxaa lagu soo qabtay iyagoo aan midab lahayn oo magaalada dhex socda iyo kuwo lasoo qabtay iyagoo maalintii ay shaqada lahayn caasimadda dhex maraya, waxaana la marsiin doonaa sharciga,” ayuu yiri afhayeenka Gobolka Banaadir oo kula hadlay warbaahinta.

Dhanka kale, Maamulka waxa uu fursad hal isbuuc ah siiyay milkiilayaasha Mooto Bajaaj-ta ee waqtiga ku dhacay, si ay isku diiwaan-geliyaan loona midabeeyo mooto Bajaajtooda, si ay uga mid noqdaan mootooyinka ka hawlgala Caasimadda ee kala wata labada summadood ee A iyo B.

Ugu dambeyn, Tallaabadan lagu kordhiyay muddada diiwaan-gelinta iyo midabeynta mooto Bajaajta ayaa waxay imaanaysaa xilli mooto bajaajyo badan uu ku dhacay xilligii loogu talo-galay diiwaan-gelinta iyo midabeynta mooto bajaajta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here