Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023, magacaabista Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo magacaabista maamulka Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Shirka golaha wasiirada ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023, dhanka kale waxaa lagu magacaabay Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo maamulka Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.













