Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Bandhiga 5-aad ee Suuq-weynaha Ganacsiga G/Banaadir: SAWIRRO

0
308

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Bandhiga 5-aad ee Suuq-weynaha Muqdisho, kaasoo sanadkiiba mar ganacsatada gobolka Banaadir ay ku soo bandhigaan xirfadaha wax soo saarka iyo fursadaha ganacsiga dalka, si bulshada ay u helaan badeecado jaban.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in horumarrada ay ku tallaabsanayso caasimadda ay ka mid tahay soo bandhigidda fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo in shaqo-abuur ay helaan dhallinyarada, waxa uuna ku baaqay in la ilaaliyo joogteynta bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo shan sano jirsaday.

Furitaanka Bandhigan ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, mudane Maxamed Cabdikariin Gabeyre, ganacsato iyo qaybaha bulshada.

Ugu dambeyn, Bandhiggan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana ka qayb-galaya illaa 30,000 oo dad ah iyo 300 oo shirkado ganacsi ah, iyadoo muhiimaddiisu tahay kobcinta ganacsiga caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here