Real Madrid oo u Tafa-xaydatay sidii ay ku soo Xero-gelin lahayd laacib u cayaara kooxda PSG: SAWIRRO

0
609

Kooxda cayaarwanaagga ku caan-baxday ee Real Madrid ayaa dib u billowday wada-hadalladii ay kula jirtay Kylian Mbappe oo kasoo jeeda dalka Faransiiska, waxaana wadahadalladan ay istaageen, markaasoo uu heshiis cusub u saxiixay kooxda France laga leeyahay ee Paris Saint-Germain.

Real Madrid ayaa dadaal xooggan ugu jirta inay si bilaash ah ula soo waregto, Kylian Mbappe markuu furmo suuqa kala iibsiga cayaartoyda ee xilli ciyaareedka soo socda ee 2024/2025, si uu caynaanka ugu qabto weerarka Santiago Bernabeu.

Madaxweynaha kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid, Florentino Perez ayaa kulan la yeeshay Khamiistii Jose Angel Sanchez iyo Carlo Ancelotti, waxa ayna go’aansadeen inay isku dayaan inay heshiis la saxiixdaan cayaaryahan Kylian Mbappe.

Sidoo kale, Wargeyska Relevo ee laga jecel-yahay dalka Spain ayaa sheegay in Los Blancos ay dib u billaabi doonto wada-hadalkii xiddiga Paris Saint-Germain (PAG) oo qandaraaskiisa Parc des Princes uu sanad keliya ka dhiman yahay, kaas oo ay awoodi doonaan in ay si xor ah ula soo wareegaan 365 maalmood kaddib.

Dhanka kale, 24 jirkan oo qandaraaskii uu sanadkii hore u saxiixay PSG uu ahaa laba sanaadood oo buuxa iyo sanad saddexaad oo dheeraad ah ayuu Mbappe go’aansaday in aanu dhaqan-gelinin sanad kale, taasoo keentay in Real Madrid ay u xulato inay ku beddesho Karim Benzema.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa inay heshiis hordhac ah la gasho Kylian Mbappe si mustaqbalkiisa xagaagga soo socda ay u sii hubsadaan. Inkastoo xiddiga Mbappe uu dhawr jeer oo hore ka dhawaajiyay inuu doonayo in laacibka reer Spain ee Sergio Ramos uu sii joogo PSG, isagoo sheegay inaanay kooxdu sinnaba uga maarmin.

“Ma jrto sabab mustaqbalkayga in laga doodo keenaysa, aad ayaan ugu halkan PSG ugu faraxsanahay, doonistayda waa in aan qayb kasii ahaado kooxdan. Waxa aan sii joogi doonaa PSG xilli-ciyaareedka dambe,” ayuu yiri Kylian Mbappe oo u warramayay wargeys kasoo baxa France kana faallooda cayaaraha.

Ugu dambeyn Cayaaryahankan reer France ee kasoo jeeda Afrika – ayaa si weyn loogu bartay koobkii adduunka ee dhawaan lagu qabtay waddanka Qatar, kaddib markii uu dhigay wacdaro soo jiitay indhaha Dunida Isboortiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here