Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga gurmadka degdegga ee wax ka qabashada saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo u diyaar-garowga roobabka la filaayo.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Deg-degga Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in 24 saac ee lasoo dhaafay lagu guuleystay furista waddooyinkii ku xirmay roobabkii ka da’ay Muqdisho iyo dib usoo celinta bilicda, haddana ay socdaan qorshaha dib loogu dhisi lahaa waddooyinkii ku burburay.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Fartaag ayaa boogaadiyay sida Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jawaabay xaaladihii iyo saameyntii ka dhalatay roobabkii ka da’ay magaalada, isla markaana ay hadda ugu diyaarsan yihiin maareynta roobabka la filayo in ay da’aan.
Ugu dambeyn. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay guddiga gurmadka degdegga iyo shirkadaha ka shaqeeya dhismaha waddooyinka in la dardargeliyo qorshaha dib-u-dhiska kaabayaasha, waxa uuna bulshada ugu baaqay in feejignaan la muujiyo isla markaana la isku gargaaro.






















