Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdishio, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), wasiirrada Amniga Gudaha iyo Arrimaha Gudaha XF Somalia iyo xubno kale ayaa maanta casuumad loogu sameeyay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, Waxaana tallaabadan lagu muujinayay in amniga Caasimadda uu yahay mid la isku halleyn karo.
Casuumaddan oo Qado-sharaf ahayd, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay saraakiisha hoggaaminaya ciidanka xasilinta Xamar, iyagoo sheegay in amniga maanta lagu naaloonayo dadaal badan loo galay, ayna qayb ka ahaayeen shacabka caasimadda ku nool, kuwaasoo ay sheegeen inay ku dhiirradeen inay soo sheegaan cid walba oo qalqalgelinta amniga ku hawlan.
“Amniga maanta ka jira caasimadda waxa uu ku yimid wada-shaqeyn dhab ah oo dhex-martay shacabka iyo laamaha amniga, waxaana dadweynaha ku nool caasimadda ay dareemayaan amni aad u wanaagsan, mahaddaasna waxaa leh ciidamada xasilinta caasimadda iyo intii gacan ka siisay sugidda amniga guud ee Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale oo hadal kooban jeediyay.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga gudaha XFS, Maxamed Sh. Axmed (Doodishe) oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri: “Caasimadda waxa ay noqotay amni, balse ujeedkeena waa dhammaan dalka in amni buuxa uu noqdo, khawaarijtana laga tirtiro.”
Waxaa kaloo hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Axmed Macallin Fiqi waxa uuna yiri: Waxa aan bogaadinayaa guusha muddada kooban ay ciidamada booliisiyo -millataariyada ka soo hoyeen ciyaal-weero iyo kooxda khawaarijta oo dhibaato badan ku hayay bulshada ku nool Caasimadda dalka ee Muqdisho.”
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Dayniile ayaa yiri: “Amniga Caasimadda waxa uu gaaray in shacabka iyo madaxdu u soo dalxiis tagaan duuleedka degmada Deyniile.” Taliyaha guutada 22-aad ee ka ciidanka xasilinta caasimadda, G/lle, Cabdiraxmaan Maxallin Maxamed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Qado-sharaftan ay muujinatso wadashaqeynta shacabka iyo ciidamada u dhexeysa, isla markaana at caddeyn u tahay in is aamin uu u dhexeeyo ahacabka iyo ciidankooda.













