Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda urrurada bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta bulshada rayidka iyo maamulka gobolka Banaadir, iskaashina laga yeesho amniga Caasimadda iyo sidii bulshada rayidka ah ay door iyo talo ugu yeelan lahaayeen wax ka badalka cutubka 5-aad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya sidii ay Muqdisho u yeelan lahayd Maqaam gaar ah.
Madaxda dallada ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa aad u boogaadiyay horumarrada ka socda Caasimadda oo ay ugu horreyso dhismada kaabayaasha isku socodka dadweynaha iyo dadaalka maamulka gobolka Banaadir ay ugu jiraan sidii loo heli lahaa xuquuqda G/Banaadir iyo maqaamka Caasimadda Muqdisho.















