Guddoomiye Madaale oo Daah-furay Imtixaanka Fasallada Sideedaad ee Dugsiga Dhexe: VIDEO + SAWIRRO

0
525

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanaadka dugsiyada dhaxe ee Gobolka Banaadir kaasoo ay maanta u fariisteen 31,688-arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhammaantood ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

“Waxaa farxad weyn noo ah inaan maanta Imtixaankii fasalka sudeedaad ee dugsiga dhexe ka daah-furno iskuulka Baarbe oo ku yaalla cirifka degmada Dharkeynley, waxa aan ka mahad-celinayaa shaqada wacan ee ay qabteen waaxyaha hawshan u xil-saaran,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho ayaa guul weyn oo ummadda Soomaaliyees u soo hoyatay ku tilmaamay in gabdhaha su aad ah wax loo baro, haddana ay isku dhigmaan gabadha iyo wiilasha wax ka barta iskuullada qaybahooda kala duwan, sida hoose, dhexe iyo sare.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa xog-wareestay qaar ka mid ah ardayda maanta u fariistay imtixaanadka dugsiyada dhaxe, isaga oo u rajeeyay in uu Alla SWT u fududeeyo imtixaanka, isla markaana ay natiija wax ku ool ah ka keenaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here