Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Mudane Dr. C/raxmaan Maxamuud Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda International Medical Crops (IMC).
Wafdiga ka socday hay’adda IMC, waxaa hogaaminayey wakiilka IMC ee Soomaaliya Ronald-Paul Veilleux, isagoo agaasimaha la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada ay ka wadaan Caasimadda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta caafimaadka gobolka Banaadir.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wadasheynta, dardar-gelinta iyo kor u qaadista adeeg bixinta Caafimaadka.
Agaasime, Dr. C/raxmaan ayaa Ronald-Paul Veilleux iyo mas’uuliyiintii la socotay ugu mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay u hayaan shacabka Caasimadda, isaga oo ka codsaday inay sii laba-jibaaran.
Ugu dambeyn, Hay’adda IMC ayaa qayb ka ah hay’adaha taageera mashaariicda iyo barnaamijyada lagu horumarinayo caafimaadka Gobolka Banaadir.















