Maandooriye lagu qabyay Hawlgal laga sameeyay degmada Kaaraan oo la soo bandhigay: SAWIRRO

0
373

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray hawlgal ay ciidanka Amniga ku soo bandhigeen maandooriye iyo dadkii ka ganacsanayay oo lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay Degmada Kaaraan.

Goobta maandooriyahan lagu soo bandhigay waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciiidanka booliiska Soomaaliyeed G/Sare, Macallin Mahdi, maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiil kale.

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa ku bogaadiyay ciidanka Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ka hortagga waxyaabaha halista ku ah xasilloonida Caasimadda iyo mustaqbalka ummadeenna, isagoo uga digay cid kasta oo ku hawlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in sharciga lala tiigsan doonno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here