Gudoomiyaha Xamar Weyne “Shacabka Waxaan ka codsaneynaa in ay dulqaataan inta uu dhismaha Socdo”

0
925

Gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo la hadlay idaacada codka Caasimadda ayaa ka warbixiyay heerka uu maraayo dhismaha laamiga isku xera Shabeele ilaa isbitaalka Martiini oo uu horay u dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

“waxaan u mahad celinayaa duqa Magalaada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo naga aqbalay codsigii ahaa in naloo dhiso wadooyinka Burbursan ee ku yaala dagmada Xamar Weyne” ayuu yiri gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne

Waxa uu intaa ku daray Gudoomiye Cabduqaadir “waa laamigii labaad ee naloo hirgeliyo tan iyo intii uu xilka haayay gudoomiye Cumar Filish”

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa shacabka soomaaliyeed ka codsaday in ay dulqaataan inta ay shaqada Socoto “wadada ka bilaabata Shabeele ee tagtay Isbitaal Martiini ayaa ah mid gabagabo ah, waxaan shacabka soomaaliyeed ee isticmaala Wadadaasi iyo gaadiidka ka codsaneynaa in  ay muujiyaan dulqaad inta ay shaqada ka dhamaaneeso”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here