Maxaabiis ku xirnayd xabsiga dhexe ee dalka ayaa maanta lasii daayay, kaddib markii madaxweynaha jamhuutiyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Maxaabiista la sii daayay ayaa waxay tiradoodu ahayd 127 maxbuus oo ku kala xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-koontarool Afgooye, kuwaas oo la sheegay in dambiyadoodu ay fuduaayeen.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in iyagoo gudanaya waajibka dastuuriga ah ay Madaxweynaha JFS u jeediyeen inuu cafis madaxweyne kusii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM-7.
Ugu dambeyn, Inta badan xilliyada ciidaha iyo dabaal-dagyada Qaran ayaa madaxweynaha Soomaaliya waxa uu cafis u fidiyaa maxaabiista dambiyada fudud u xiran.















