Munaasabad lagu xusay Maalinta Deegaanka Adduunka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
287

Maalinta caalamiga ah ee deegaanka ayaa maanta laga xusay Gobolka Banaadir, waxaaana munaasabadda goobjoog ka ahaa; Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Faysal Carraale Afrax iyo Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale, Shacabka Muqdisho ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda, waxaana sidoo kale ka qaybgalay xubno ka socday hay’adda horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.

Munaasabadda intii ay socotay ayaa waxaa lasoo jeediyay khudbado lagu cabirayay nuhiimadda ay leedahay in deegaanka la dhawro, taasoo sababi karta in caasimaddu ay noqoto mid nadaafaddeedu ay sarreyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here