Diyaarad siday talaalka caabuqa Covid 19-ayaa goor dhow ka soo degtay garoonka diyaarada Muqdisho.
Sedex boqol oo kun oo xabo ayaa la sheegay inuu gaarayo tallaalkan waxaana loo qeybin doono gobolada dalka.
Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa sheegtay in talaalka lagu bilaabi doono shaqaalaha safka hore ah iyo dadka da’da ah ee u nugul caabuqa Covid 19-ka.
Soomaaliya waxay ka heshay xarunta caalmiga ah COVAX in ku filan tallaalka ugu yaraan 20% tirada guud ee dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu gaarsiin doono tallaalka wajiyo kala duwan.














