War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Musane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu mamnuucay in la jeexo waddooyinka sidoo kalena bullaacado laga qodo marshibiyeedyada loogu talo-galay inay dadweynuhu maraan.
Shirkadaha adeegyada korontada, biyaha iyo Internet-ka ayaa looga digay inay jeexaan waddooyinka, taasoo la sheegay inay burbur ku keenaysa waddooyinka, iyadoo bayaanka lagu sheegay in ciddii ku xadgudubta lala tiigsan doono sharciga.













