Guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir oo shir caalami ah uga qayb-galaya dalka Belgium: SAWIRRO

0
281

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Magaalada Brussels ee dalka Beljium ugu qeybgalaya shirweynaha magaalooyinka ee (Brussels Urban 2023 Submmit).

Shirkaan ayaa loogu hadlayaa Horumarinta magaalooyinka, naqshadeynta Casriga ee dhanka Digitalka, soo kabashada Magaalooyinka, adkeysiga iyo horumarinta kaabayaasha, iyadoona ay ka qayb-galayaan Maayarada Magaalooyin dhowr ah oo ka kala yimid caalamka.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu shirkaan ku matalaayo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ayaa waxa uu xooga saarayaa sidii Maamulka Gobolka Banaadir lagu garab siin lahaa xal u helida Arrimaha Bulaacadaha, dib-u-dhiska Kaabayaasha oo ay ugu horeeyaan dhismaha wadooyinka iyo Horumarinta Caasimadda.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale (Xasan Dheere) ayaa furitaanka shirka kadib kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Maamulka Magaalada Brussels, Madaxweynaha Metro Polis, Xoghayaha Guud ee Metro iyo qaar ka mid ah Maayarada ka qeybgalaya shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here