Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda, taas oo isku xirta tuulada cayaaraha ee Muqdisho Stadium iyo isgoyska Folorensa, taasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay aanan helin wax dib-u-dhis ah.
Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, odayaasha deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu dambeyn, Waddada Maxamuud Xarbi ee dib-u-dhiska lagu sameynayo ayaa qayb ka yahay Mashruuca dalkaaga ku dhiso $1 oo uu dib u howlgaliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taasi oo lagu hormarinaayo Caasimadda.















