Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Bagdaad, Mudane Camaar Muuse Kaadim.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay horumarrada iyo caqabadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo labadaba kasoo kabanaya colaado sokeeye iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya labada shacab, iyada oo la isla qaatay in la kala saxiixdo is-afgarad ku qotoma sidii dib loo billaabi lahaa iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex-mara labada magaalo.
Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa hadiyado iyo shahaado sharaf guddoonsiiyay Duqa Magaalada Bagdaad, Camaar Muuse.



















