Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray xafiiska waaxda dad-dhigista ee degmooyinka dhinaca qaybta Galbeed ee Gobolka Banaadir, taasoo maanta laga furay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax, Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad (Wadaad yare), Agaasimeyaal Guud, ku-xigeenada degmooyinka Wadajir iyo marti sharaf kale.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xafiiskan uu adeegyada dhalashada iyo sugnaanta uu siin doonno bulshada ku dhaqan degmooyinka Wadajir, Dharkeenley, Kaxda, Garasbaaley iyo Dayniile, kuwaasoo horay adeeggan ugu soo doonan jiray xarunta dhexe ee degmada Shingaani. Iyadoona Duqa furitaanka Xafiiskaan uu qeyb ka yahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee daadijinta Adeegyada Bulshada.














