Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka qayb-galay kulan looga hadlayay sidii lagu heli lahaa garsoor hufan oo cadaalad ku dhisa.
Kulankan ayaa waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana ka qaybgalay guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirka Amniga, Taliyaha Booliiska iyo Hoggaannada Booliiska Gobolka Banaadir
Sidoo kale, Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimada ay leedahay fulinta go’aamada kasoo baxa Maxakamdaha waddanka oo ay fuliyaan booliska iyo sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan garsoor madax-bannaan oo hufan.
Waxaa kulanka lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda cadaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.
Ugu dambeyn, Shirkan waxaa abaabulkiisa lahaa hay’adaha garsoorka dalka, waxaana lagu ballamay in shirkan uu u qabsoomo si joogto ah, si loo helo garsoor kalsooni lagu qabi karo oo ku dhisan cadaalad.


























