Guddoomiye Ku xigeenka arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta ka qeyb gashay Munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga ee Afla Hooyo oo ay soo agaasimeen Akaademiye Goboleedka Af Soomaaliga oo kaashanaysa Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.
Marwo Basma oo munaasabadda Ka hadashay ayaa sheegtay in xuska maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo ay tahay maalin ku weyn Soomalaiya oo dhan, waxa ayna intaa Ku dartau in ay muhiim tahay ilaalinta Afkeena Hooyo.













