Guddoomiye Madaale oo Ummadda Soomaaliyeed uga Tacsiyeeyay Geerida Axmed Naaji Sacad

0
313

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda fanka ugu tacsiyeenaya geerida ku timid Allaha u naxariisto, Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa yiri: “انالله وانا اليه راجعون Marxuumka waxa uu door-weyn ka qaatay sare u qaadidda fanka, suugaanta, wadaniyada iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa, si gaar ah waxaan ku xasuusan doona kaalintii uu ka qaatay muddadii uu dalka burbursanaa wacyigalinta bulshada gaar ahaan dhibaatooyinka colaadda iyo qiimaha nabadda iyo dowlad-nimada.”

Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa Eebbe uga baryay in uu jannooyinkiisa ka waraabiyo Marxuum Axmed Naaji Sacad, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here