Agaasimaha xiriirka dibadda iyo hay’adaha caalamiga, mudane Maxamed Xasan Maxamed oo ay wehliyaan agaasime ku-xigeenka waaxda dhulka iyo xiriiriyaha Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Dowladaha Hoose ee Turkiga ayaa la kulmay ku-xigeenka Duqa Magaalada Konya, Mudane Ercan Uslu.
Kulanka ayaa ugu horreyn loogu mahad-celiyay Dowladda Hoose ee Konyo fulinta qaybo ka mid ah heshiisyadii ay horay u gareen labada magaalo oo ay ugu horeysay in tababarayaal ka socday magaalada Konya ay Muqdisho ku tababareen 60 ka mid ah shaqaalaha Dab-damiska Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo la isla gartay in dhawaan wejiga labaad ee tababarkaas lagu qabto Magaalada Konya ee Dalka Turkiga.
Dhinaca kale, kulanka ayaa loogu hadlay dardargelinta iyo ka dhabeynta heshiisyada Mataaneynta labada magaalo, waxaana la isla gartay in Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo diro Injineerro ka socdo xafiiska bullaacadaha magaalada Konya, kuwaas oo warbixin ka diyaarin doonna xal u helidda bullaacadaha Muqdisho, waxa ayna Dowladda Hoose ee Konyo ballan-qaadeen dhismaha kanaalada bullaacadaha Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa Muqdisho loo ballan-qaaday in laga taageeri doonno helidda qalabka biyaha lagu soo saaro iyo riigagga ceelasha biyaha lagu qodo, si bulshada ay u helaan adeegga biyaha, waxaana loo tababari doonno shaqaale xirfad iyo aqoon u leh maareynta biyaha.
Ugu dambeyn, Wafdiga ayaa kormeeray waaxyaha dhulka, bulaacadaha, ilaalinta deegaanka iyo arrimaha dibadda, iyadoo dhawaan la tababari doonaan shaqaalaha waaxda dhulka, ciidnka ilalaada deegaanka Xamar iyo waaxda qorsheynta magaalada ee Dowladda Hoose ee Xamar.















