Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Abshiroow ayaa bogaadiyay shaqada ay bulshada u hayso waaxda dad -dhigista Dowladda Hoose ee Xamar, kaddib markii maanta loo sameeyay warqadaha dhalashada iyo sugnaanta.
Xildhibaan Xasan Abshiroow oo sidoo kale bogaadiyay daadajinta adeeggan oo la gaarsiiyay qaar ka mod ah degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay xildhibaannada iyo bulshada Soomaaliyeed inay sameystaan warqadaha aqoonsiga ee dhalashada iyo sugnaanta, taasoo u fududeyn doonta hawlo badan oo ay u baahan yihiin.













