Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo furay Shirka Iau-duwidda Hawlaha Horumarinya Wax soo saarka Xoolaha ee RAAISE

0
264

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa maanta furay shirka isku duwidda hawlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha ee mashruuca RAAISE.

Shirka looga hadlayo wax soo saarka xoolaha ee mashruuca RAAISE oo muddo laba maalin socon doona waxaa goob-joog ka ah Wasiirrada Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedya Dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadli doonaa warbixin guud oo ku saabsan mashruuca RAAISE sida hawlaha la fuliyay ee guuleystay iyo kuwa hadda qorsheysan ee u baahan in la dardar-galiyo, xalinta haddii ay jiraan caqabado iyo xoojinta wada-shaqeynta hawlwadeennada mashruuca ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here