DAAWO: Duqa Muqdisho oo Maanta qaatay Kaarka Aqoonsiga sheegayna inuu gacan ka geysanayo sugidda Amniga: SAWIRRO

0
248

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha, kaas oo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa qaadashada kaarka aqoonsiga dadweynaha ku tilmaamay mid qayb ka qaadanaya sugidda amniga, tirakoobka iyo in aan shacabka lagu dhex ganban. Waxa uuna ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir in ay qaataan kaarka aqoonsiga dadweynaha.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha,waxaana goobjoog ka ahaa xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale Afrax iyo maareeyaha hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha, mudane Cabdiweli Tima-cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here