Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furtay Muqdisho kulan ay kasoo qayb-galeen maamullada dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee Ansixinta Hindise sharciyeedka machadka Qaran ee Dowladaha Hoose.
Kulankan ayaa waxaa dhanka Maamulka Gobolka Banaadir Maareeyaha Machadka Dowladda Hoose, Cumar Cabdullaahi Cumar Faaruuq, iyadoo inta uu shirku socdo lagu soo bandhigi doono xogo kala duwan, waxaana marka uu shirku dhammaado laga soo saari doonaa war-murtiyeed la isku raacsan yahay.














