Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo daahfuray Shirweynihii 5-aad ee Madasha xirfadleyda Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada (SomNOG-5) /Sawiro.

0
81

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay shirweynnihii 5-aad ee Madasha xirfadleyda isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada wadanka (SomNOG-5) oo uu soo qabanwaabiyay madasha SomNOG.

 

Xogyaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xiireey Axmed Rooble iyo Agaasimaha Mashaariicda iyo Horumarinta Cabdiraxmaan Axmed Xeyle ayaa ka qeyb galay xafladda furintaanka shirka iyo dood Cilmiyeed ku saabsan “Digital Infrastructure Reguirements for Public Service Delivery“.

 

Sidoo kale Madasha waxaa Qudbado kajeediyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Technology-dda Dowladda Federal-ka Soomaaliya, Hogaanka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliyeed, Madaxa Jaamacadda Jamhuuriya, Maareeyaha SOMNOG, Shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Marti Sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here