Guddoomiye Madaale oo furay dood looga hadlayo Dowlad-dhiska Somalia iyo sidii horay loogu socon lahaa: SAWIRRO

0
347

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay furitaanka kulan cilmiyeed loogu hadlaayo owwlad-dhiska Somalia, mowduuciisuna yahay ‘Casharradii shalay iyo tilmaamaha mustaqbalka’ oo ay soo qaban-qaabiyeen hay’adda cilmi-baarista iyo horumarinta Bariga Afrika ee DAD.

Dood-cilmiyeedkaan oo ay isugu yimaadeen, aqoonyahanno isugu jira cilmi-baarayaal iyo barayaal sare oo ka socda Jaamacadaha dalka, ayaa labada caashi ee soo socota 22-23 – ka doodi doonna dowlad-dhiska dalka, si maskax shiil loogu sameeyo casharradii shalay iyo tilmaamaha muqstaqbalka.

Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa boogaadiyay isu imaatinka aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo in laga doodo mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya, si dib-u-eegis loogu sameeyay wixii lasoo maray iyo halka maanta loo socdo, isaga oo ka rajeeyay dood-cilmiyeedkan inay kasoo baxdo natiijo wax ku ool ah dowladninadeenna iyo sidii horay loogu socon lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here