Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay xarigga ka jara xarunta Dad-dhigista Dowladda Hoose Xamar ee degmooyinka qaybta Bari oo laga hirgeliyay degmada Yaaqshiid. Xaruntaas ayaa loogu adeegi doonaa dadweynaha ku nool degmooyinkaas ku yaalla Bariga Miqdisho.
Munaasabadan xarig-jarka waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan BFS, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka, maamulka degmada iyo qaybaha bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay hawlaha ay waaxda Dad-dhigista soo kordhisay iyo horumarinta lagu sameeyay adeegyada ay bulshada u qabato.
Ugu dambeyn, Waaxda Dad-dhigista ayaa adeegyada ay bixiso waxay horay ugu daadajisay qaybta Galbeedka Xamar oo laga furay degmada Dharkeynley iyo qaybya Waliyoow Cadde oo laga hirgeliyay degmada Hodan, halkaasoo ay adeegyada dhalashada iuo sugnaanta ka qaataan shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.























































