Madaxweyne Xasan oo kulan Dhiirri-gelin ah la qaatay haweenka ku jira qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida: SAWIRRO

0
249

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda munaasabadda ciidul fidriga awgeed kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah saraakiisha haweenka ah ee ku jira ciidamada qalabka sida, waxa uuna ku bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, ilaalinta gobanimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ku boorriyay in ay laba-jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirri-galinta ciidamada Qaranka iyo wacyi-gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa mid-mid billad-sharafyo u guddoonsiiyay haweenka ku jira ciidanka, waxaana goob-joog ka ahaa kulankaas, xildhibaanno ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka baarlamanka federaalka Somalia, xubno ka socda bulshada rayidka ah, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo taliyaha cusub ee NISA, mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here